Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Saciid Deni oo Itoobiya kala hadlay la-dagaalanka Al-shabaab & Daacish

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya iyo  Qunsulka  Itoobiya ee Puntland Dagnachew Yitbarak.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale kulanka ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa looga arrinsaday sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayna qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DPL Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, Taliye Xi-geenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil kale.

Exit mobile version