Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Qoorqoor oo Digniin adeg u diray hoggaanka Ahlusunna, xili ay…

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa fariin adag oo digniin ah u diray kooxda hubeysan ee Ahlusunna.

Qoorqoor ayaa sheegay inuusan wa gogortan ah la geli doonin koox hubeysan oo qowleysato ah taas bedelkeedna uu la dagaalami doono maamulkisa

Waxaa uu ugu baaqay culimada Ahlusunna ee hadda ku sugan degaanka Bohol inay hubka dhigaan oo ay dhinac ka raacaan dadkooda, kaalintoodana ka qaataan xoojinta iyo horumarinta Maamulka iyo degaanada Galumdug

“Ma jirto cid aan ka ogolaaneyno inay hub sharci daro ah ay ku heysato tuulo ka mid ah Galmudug, iskaba daaye inay degmo soo weerarto ama qabsato, cidii tabasho qabta waxaa u furan iney si nabad ah u soo bandhgto” ayuu yiri Qoor-qoor.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay Howlgalkii laga sameeyey Guriceel ay aheyd mid degaanka oo dhan looga badbaadiyay iskuday jabhado hubeysan ku doonayeen inay xukunka ku qabsadaan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa hadalkan ka jeediyey  kulan uu xalay degmada Guriceel kula qaatay waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee degmadaas.

Exit mobile version