Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Mustaf Cagjar oo Caawa gaaray Magaalada Garoowe iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha dhulka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka.

Garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Ujeedka wafdiga ka socda deegaanka Soomaali Galbeed uu yahay ayaa ah sidii ay uga qeyb geli lahaayeen munaasadda xarig-jarka wejiga koowaad ee dekedda Garacad oo sabtida berri ka dhici doonta deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Exit mobile version