Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Lafta-gareen oo kusii jeeda Kismaayo iyo xogta safarkiisa

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa ayaa xaqiijiyey in saacadaha soo socda Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ku wajahan yahay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubbland.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa markii uu tego Kismaayo waxaa uu dhigiisa Axmed Mxamed Islaam Axmed Madoobe kala hadli doonaa arimaha doorashooyinka gaar ahaan kuraas gaar ah  inay ka wada hadli doonaan is dhaafsigooda.

Sidoo kale Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ka wada arrinsanaya xaaladda abaaraha ka jira deegaannadooda ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, xili dadweyn farabadan ay abaartu saameeysay.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Safarka Lafta-gareen ee Kismaayo ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo xalay Jubbaland shaacisay qabashada doorashada 14  kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, xili doorashooyin dhacay kuraasta qaarkood ay ka jiraan murano badan

Exit mobile version