Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Erdogan oo ku horeeya Doorashada Madaxtinimada Turkiga

In ka badan 20% sanaadiiqda Cod-bixinta ee Doorashooyinka maanta ka dhacday dalka Turkiga ayaa la furay, sida laga soo xigtay Natiijooyin aan Rasmi ahayn.

Madaxweynaha dalka Turkiga,  Rajab Dayib Erdoğan ayaa la sheegay inuu u muuqda inuu hadda ku horeeya Natiijada, waxaana ku soo xiga Murashaxa Mucaaradka ee Kemal Kılıçdaroğlu oo hoggaamiya Isbahaysiga Qaranka (Nation Alliance).

Weli waxaa socota Tirinta Cod-bixinta Doorashadii Madaxtinimada iyo Tan Barlamaanka ee dalkaasi.

Erayadii ugu horreeyay ee rasmiga ah ee ka soo baxa mucaaradka ugu weyn Turkiga ayaa ahaa kuwo rajo muujinaya iyo hal digniin oo ah inaan la isku halleyn natiijada horudhaca ah.

“Sawirku ilaa iyo hadda waa mid rajo muujinaya,” ayuu yiriFaik Oztrak oo ah afhayeenka Xisbiga Jamhuuriga ee Dadka (CHP). Balse wuxuu dadka Turkiga uga digay inaysan ahmiyad siin natiijada horudhaca ah ee ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas Anadolu, isagoo ku eedeynaya “inay fulisay howl aan la isku halleyn karin”.

Exit mobile version