Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay magaalada Garoowe oo muddo ku dhow saddex bil uu ka maqnaa ayaa maanta magacaabay Wasiirka Wasaaradda amniga Maamulka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa xilka Wasiirka amniga Maamulka Puntland loogu magacaabay inuu noqdo Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin), isagoona bedelaya Wasiirkii hore ee Cabdisamad Maxamed Galan
Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista oo sidaan u qorneyd:
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1- Waxaa Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Puntland
2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFIN MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.