Site icon HORUFADHI MEDIA |

Deni oo kulan Deg-deg la qaatay Laamaha Amniga Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kulan deg deg ah kuila qaatay Hay’adaha Sharci fulinta sida Golaha Garsoorka iyo Laamaha Amniga Puntland.

Kulanka ayaa waxaa inta uu socday uu saabsanaa shaqo, iyadoo Madaxweyne Saciid Deni uu warbixino ka dhegaystay Golaha Garsoorka iyo Saraakiisha laamaha Amniga, waxayna uga warbixiyeen howlaha amni ee deegaannada Maamulka.

Kulanka xalay ayaa yimid saacado ka dib markii Madaxweyne Deni uu xilkii ka qaaday labo Wasiir oo uu ku jiray Wasiirkii amniga Puntland C/samad Gallan oo ka mid ahaa xubnaha ugu saameynta badnaa Maamulkiisa.

Deni ayaa saddex maalmood ka hor dikreeto ku soo saaray isku shaandhayn lagu sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha derejada kowaad iyo rafcaanka gobollada Puntland.

Exit mobile version