Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Maanta kusii jeeda Magaalada Baladweyne

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo xaalad kacsanaan ah ay ka tahay, taasi oo la xariirta imaanshiyihiisa.

Safarka Cali Guudlaawe ee Beledweyne ayaa hore dhowr jeer dib u dhac ugu yimid, sababo la xiriiray kacdoono looga soo horjeeday imaatinkiisa oo ka jiray magaalada, isla markaana Magaalada ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay.

Ciidamo kamid ah kuwa kacdoonka oo aad u hubeysan ayaa dhanka Hiiraan ilaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif isku fidiyay, waxaana ay xooga saarayan sidii loo hor istaagi lahaa Cali Guudlaawe oo kusii jeeda maanta Beledweyne.

Waxaana taas kasiii horreysay in Waddooyinka Beledweyne gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo xarunta ciidamada Lamagalaay ayaa waxaa xalay xirey ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.

Dhanka kale Janaraal Abuukar Warsame Xuud oo xalay xilli dambe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xasillooni darro laga wado Baledweyne, taas oo uu sheegay inay tahay in laga digtoonaado.

Exit mobile version