Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Biixi oo kulan la yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya 

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la yeeshay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgarde oo Maanta booqasho ku tagay Magaalada Hargeysa.

Safiirka ayaa sheegay inay ka xunyihiin ka dawlad iyo shacbi ahaanba dhibta soo gaartay Suuqa Waaheen iyo ganacsigii weynaa ee Somaliland laf-dhabarta u ahaa uguna ballaarnaa. Isagoo ballan qaaday inay dhankooda diyaar u yihiin inay ka caawiyaan wixii taageero dhaqaale ah ee ay arrintaa ka geysanayaan, isagoo wakiil ka ah dalka Sweden.

Waxa kale oo uu xusay inay dhawaan isugu imanayaan shir deg-dega oo lagu qaban doono Nairobi, kana soo qayb-gelayaan dalalka isku bahaystay midawga Yurub, shirkaas oo ay kaga arrinsanayaan sidii gacan dhaqaale looga gaysan lahaa masiibadii suuqa weyn ee waaheen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhiniciisa waxa uu uga mahadnaqay safiirka, yaboohda iyo garab istaagga ay u ballan qaadeen shacabka Somaliland inay kaga taageeraan masiibadii dabku geystay ee ay ku caydhoobeen boqollaal reer Somaliland ahi.

Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa kulankaa ku wehelinaayey wasiirka horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna Ku Simaha Wasiirka Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Exit mobile version