HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay Wasiiro cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa magacaabay Wasiiro iyo Wasiir ku-xigeeno cusub, kuwaasi oo kamid noqonaya Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed ayaa waxaa uu ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo loo magacaabay Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, halka Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maamulka laga dhigay Axmed Xasan Cumar.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Jubbaland u magacaabay Faarax Mukhtaar Daa’uud iyo Maxamed Cusmaan Jaamac oo laga dhigay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maamulka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faray Wasiirada cusub inay si dhaqsi ah ula wareegaan xilalka Wasaaraddaha, si loo dardar-geliyo shaqooyinka muhiimka ah ee looga baahan yahay inay qabtaan.

Exit mobile version