Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweynaha Turkiga oo ku dhawaaqay hadal niyada kasii jebiyay Sweden & Finland

Dowladda Turkiga ayaa wali si xoogan u diidan in dowladaha Sweden iyo Finland xubin rasmi ah ka noqdaan ururka Gaashaanbuurta NATO oo ay dowladda Turkiga xubin muhiim ah ka tahay.

Sweden iyo Finland ayaana gudbisay codsi ay ku dalbanayaan in ay kusoo biiraan Gaashaanbuurta NATO, hasa ahaatee Turkiga ayaa ka biyo diidan in labadaasi dal xubin ka noqdaan NATO.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan oo warfidiyeeno kula hadlay gudaha diyaarad uu madaxdeynaha kaga soo noqday dalka Azerbaijan ayuu si cad uga hor yimid in Sweden iyo Finland kusoo biiraan NATO.

Erdogan ayaa cadeeyay in Turkiga inta uu  madaxda ka yahay aanu marna ogolaan doonin in dowladaha taageero argagixisida ay ku soo biiraan Ururka Gaashaanbuurta NATO, kuwaas oo ula jeedo dalalka Sweden iyo Finland.

Exit mobile version