HORUFADHI MEDIA |

Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta gaaray Jabuuti & xogta safarkiisa

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti, iyagoona halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirada Amniga, Maaliyada, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Jabuuti.

Waxaa Madaxweynahu uu dalkan jabuuti ku yimid booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo Sadex maalmood ah kadib Markii uu xasuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxaa uu kulamo looga hadlayo arrimo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Exit mobile version