HORUFADHI MEDIA |

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Guddi u magacaabay Fatahaada Webiga

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Guddi u magacaabay fatahaadaha Webiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Guddiga fatahaada Webiga ee la magacaabay ayaa ka kooban 12-xubnood, oo isugu jira xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Cali Jeyte Cismaan

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii wax looga qaban lahaa fatahaada uu sameeynayo Webiga Shabeelle oo saameeyn xoogan ku yeeshay dadkii  kunoolaa magaalada Baladweyne, kuwaasi oo intooda badan ka barakacay magaalada.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda barakac xooggan oo ay sameenayaan dadka deegaanka, waxa ayna dadkii ay u qaxeen duleedka Baladweyne iyo deegaano hoostaga magaaladaas.

Exit mobile version