Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweynaha Hiiraan oo Amar dul-dhigay Laamaha amniga Magaalada Baladweyne

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigaanka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ammaanka Gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo xoojinta howlaha lagu xaqiijinayo amnig Magaalada, maadaama lagu wado inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga, Taliyayaasha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Beledweyne iyo Saraakiisha AMISOM ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe la wadaagay qorshe amni oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xaslinta Magaalada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa faray saraakiisha hay’addaha amniga Magaalada in todobaad gudihiis is badal amni oo sugan laga dareemo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Exit mobile version