Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degaano ka tirsan Gobolka Mudug iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo, ayaa safar dhulka ah ku gaaray deegaanada Kheydaro iyo Bajeelle halkaasi oo uu ugu kuur galay xaaladaha guud ee labada deegaan, isagoona kaga sii gudbay degmada Wisil ee gobolka mudug.

Wafdiga madaxweynaha oo ka kooban xildhibaano Federaal ah, wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowladda Galmudug, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, iyo qaar kamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka Galmudug ayaa gaaray degmada Wisil oo maanta golaha wasiiradu u aqoonsadeen inay kamid noqoto degmooyinka rasmiga ah ee Galmudug.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho maamulka iyo shacabka degmada Wisil si uu madaxweynuhu ugu kuur galo xaaladaha guud ee dagmada Wisil.

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maalmo kahor gaara degmada Baxdo ee Gobolka Mudug, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay Maamulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka, isagoo kala hadlay dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Maamulka.

Exit mobile version