Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxtooyada Somalia oo raalli-gelin ka bixisay War la xiriira Dowladda Masar

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa raalli-gelin ka bixisay hadalkii Afhayeenka Madaxweynaha Cabdikariin Cali Kaar ee ku saabsanaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa dalka Masar Cabdifitaax Al-siisii kala hadlay Arrinta Webiga Nile.

Afhayeen Cabdikariin Kaar oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu cudur daar uga bixiyey hadalkiisa uu ka sheegay shirkii Jaraa’id ee uu u qabtay warbaahinta Muqdisho, wuxuuna sheegay in si khaldan loo fahmay oo si khaldan la ii so xigtay.

“Waxaan isku mowqif ka nahay khatarta ay leedahay siyaasadaha halka dhinac ah ee ku aaddan hirgelinta mashruucyada la xiriira webiyada caalamiga ah iyo sida ay lama-huraan u tahay inuu jiro iskaashi iyo wadatashi dhexmara dowladaha uu wabigu maro, si loo dammaanad qaado in aanay dhibaato soo gaarin mid kamida dowladahaas, arrinkaasuna waa mid la jaanqaadaya xeerarka qaanuunka dowliga ah ee la xiriira arrinkaa, sidaa darteed waxaa lama huraan ah in si dhaqso ah loo gaaro heshiis ku salaysan sharci, fulintiisuna ay tahay qasab marka ay timaaddo buuxinta iyo howlgelinta biyo-xireenka, taasoo ah sida waafaqsan bayaan madaxeedkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2021, taasoo looga jeedo ilaalinta amniga iyo xasiloonida gobolka”ayuu yiri Madaxweyne Abdelfatah Sisi.

Afhayeenka Villa Somalia Kaar oo hadalkaas ka dib shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in madaxda Somalia iyo Masar aysan ka wada hadlin khilaafka ka taagan qeybsiga biyaha webiga Niil, wuxuuna xusay Madaxweyne Xasan Sheekh uusan la qabin hadalka ka soo yeeray Al-Sisi.

Madaxweyne Cabdifitaax Al-siisi ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wada hadleen qodobo badan oo ay ka mid aheyd arrinta biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya oo Masar ay si weyn uga soo horjeedo.

Exit mobile version