Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madax kala duwan oo Maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay soo gaaraan wufuud kala duwan oo ka qeyb galaya Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu wado in maalinta berri oo khamiis ah ay ka dhacdo Muqdisho.

Madaxweyneyaasha maamulada sida Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa soo gaaraya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana shalay yimid Magaalada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta soo yimaadan Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo qaar kamid ah Madax ka socota dalalka saaxiibada la’ ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda iyo wufuuda imaaneysa Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saarkaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona Munaasabadda lagu casuumay Madax farabadan oo heer caalami ah, kuwaasi oo ka qeyb galaya Munaasabadda oo berri ka dhaceysa Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada kusoo qul-qulayay wufuud kala duwan oo hordhac u ah  Madax imaaneysa Muqdisho, waxaana Madaxda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweynaya Guddiga Xaflada Caleema-saarka.

Exit mobile version