Laascaanood (Horufadhi News)-Madaxda siyaasada iyo kuwa dhaqanka ee deeganada Sool, sanaan iyo Cayn ayaa warmurtiyeed ku qoran afafka Soomaaliga iyo Englishka soo gaadhsiiyey Horufadhi Media.
Hoos ka akhriso.
Warsaxafadeed
Khamiis June 14th, 2018
- Golaha Sare ee Dhaqanka Sool, Sanaag iyo Cayn
- Guurtida iyo Waxgaradka Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn
Si loosoo afjaro cadaadiska, cagajuglaynta, barakaca iyo dilalka loo gaysto Shacabka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa ay saxiixayaasha hoos ku xusan:
- Caddaynayaan in dhibaattada ugu badan ee ka dhalata dagaallada ka socda deegaannadda Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku dhacayso dadka ku nool deegaannadaas oo dil, dhaawac iyo barakac isugu darsamaan mar kasta oo dagaallo dhacaan.
- Ugu baaqayaan Guddiyada Gurmadaka ee Dawladda Federalka ee Somalia, Hayadaha khayriga ah iyo Beesha caalamkaba in dadkaa tabaalysan ee dagalaka Tukaraq barakiciy ay la gaadhaan gurmad degdeg ah o wax ku ool ah.
- Kula talinaynaa maamulka Waqooyi Galbeed uu joojiyo isku dayga uu rabo inuu xoog iyo qori caarradii kaga taliyo deegaannada SSC, dadka diidda ee ka mudaharaaday tacadigaa kusocdana laga daayo xabbadda iyo xadhigga loo gaysto.
- Caddaynayaan in sheegashada maamulka Waqooyi Galbeed Gobollada SSC aanu ku salysnayn sharci iyo taarikh run ah midna.
- Qirayaan in aanay beeli xoog iyo qori caaraddiis ugu talin Karin beel kale.
- Cod dheer ku sheegayaan in bulshada ku nool degaamada SSC ayan ogolayn marnababa aqbalayn, kala goynta dalka Somaaliyeed iyagoo horena naf iyo maalba ugu hureen xorayntiisa iyo ilaalinta midnimadiisa .
- Soo dhawaynayaan, si buuxdana u tageeraynaa doorka weyn ee ay dawlad goboleeka somaaliyeed ee Puntlaand ku ilaalinayso midnimada Somaaliyeed kuna taaageerayso dadka ku nool gobolada SSC si ay uga baxaan tacadiga lagu hayo ulana soo noqon lahayeen sharaftooda iyo karaamadooda rabaaniga ah.
- Ugu baaqaynaa hogaanka dawlada Federaalka Somaalia ay ilaaliyaan xuquqda ka maqan shacabk SSC, oo ay tageeraan kana shaqeeyaan sida gobolada SSC ay aayohooda uga tashan lahaayeen sida gobolada kale ee Somaalia.
- La socodsiinaynaa beesha caalmaka iyo inta nabadda danaynaysa in sida keliya ee xal waara loogu heli karo dagaalka tukaraq iyo deegaannada SSC in Gobollada SSC ay taloodada u madax bnaanaadaan sida degaamada la mid ah ee Somaalia.
- Ku talinaynaa in taladu ka go’da oo si buuxda loola tashadaa Golaha Sare ee Dhaqanka, waxgaradka iyo bulshawaynta SSC; si xal waara loogu helo dagaalada kusoo noqnoqnaya degaamada SSC.
- Ku boorinaynaa ummada Somaliyeed meel kasta oo ay joogto ay ku wada nolaato nabad gelyo, is qaddarin, isdhex gal iyo deris wanaag.
Golaha Saree e Dhaqanka |
|
1. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac |
2. Garaad Salebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud |
3. Garaad Cabdirizaaq Garaad Soofe |
4. Suldaan Siciid Cismaan Cali |
5. Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare |
6. Garaad Cabdisalaan Xasan |
7. Garaad Salebaan Buraale Aadan |
8. Ugaas Maxamed Cabdullaahi Ciise |
9. Garaad Muktaar Garaad Cali Buraale |
10. Boqor Cabdullaahi Axmed Cali |
11. Ugaas Faarax Maxamed Cali |
Guurtida iyo Waxgaradka SSC |
|
1. Dr, Cali Ciise Cabdi |
2. Abshir Cawil Cabdi Dhiif |
3. Cabdikariim Xasan Jaamac |
4. Cali Xaaji Cige Cabdulle |
5. Cabdirashiid Macallim Faarax |
6. Col. Ismaciil Axmed Cumar |
7. Shiikh Cabdifataax Maxamed Cali |
8. Col. Maxamed Jaamac Halac (Madaxweynihii hore ee Khaatumo) |
9. Axmed Maxamed Gacmayare |
10. Cabdiqaadir Firdhiye |
11. Dr. Ibraahin Cali Koore |
12. Dool Axmed Dhegaweyne |
13. Salebaan Cabdi Madoobe |
14. Ex Xildhibaan Cabulwaahid Abdullahi Jaamac |
15. Cismaan Xasan Cumar (Badawi) |
16. Ex Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed |
17. Cigaal Xasan Jaamac |
18. Cabdirashiid Maxamed Cabdi (Dhaganaban) |
19. Mahdi Maxamed Cali |
20. Col. Cali Xasan Axmed Sabaray |
21. Cabdiqani Robeeye |
22. Axmed Jaamac Fuudhbool |
23. Axmed Maxamed Aaadan (Tabatiig) |
24. Cabdirashiid Boos |
25. Jaamac Cali Salebaan |
26. Cabdikariim Faarax Dhaaye |
27. Maxamuud Cali Jaamac |
28. Cabdillahi Dalmar |
29. Axmed Xaafuuni |
30. Col. Maxamed Cumar Cigaal |
31. Mataan Xasan |
32. Safia Cali Caateeye |
33. Saynab Xasan Barre |
34. Sahra Cali Dheere |
35. Yaasmiin Jaamac Jaamac Cabdi Bile |
36. Sahra Kiin Kilwe Cali Kaarshe |
37. Siciido Sahal Bulxan |
38. Marian Goonle |
39. Firdoos Ibraahin Cali Shire |