Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madasha horumarinta Somalia & Beesha Caalamka oo la daah-furay

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa maanta daah-furay madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ay soo qabanqaabisay wasaraadda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha,kaas oo ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamud Cismaan (Beenebeene) ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda ay madashan u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo waxyaabaha laga filan karo in ay soo kordhiso,

Wasiirka ayaa tilmaamay madashan ay kor u qaadayso isku-dubbaridka iyo in mashaariicda la waafajiyo qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in madashan ujeedkeedu yahay isku dubaridka iyo hagaajinta gargaarka iyo kaalmada horumarineed ee deeq-bixiyeyaashu siiyaan dalkeena iyo sidii loo yeelan lahaa madal ka shaqaysa iskaashi joogto ah, si looga wada shaqeeyo horumarka guud ee dalka, isagoo intaa ku daray xukuumadda Danqaran ay hiigsanayso in ay dawladda la gaarsiiyo heer isku filnaansho iyo isku tashi ah.

Madashan oo ay hor-kacayso dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.

Exit mobile version