Site icon HORUFADHI MEDIA |

Macalimuu oo Goor dhow loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee tirsigiisu yahay Hop#068, kaasi oo kusoo baxay Afhayeenka Xukuumadda Federaalk Soomaaliya.

Doorashada kursiga Hop#068 ayaa waxaa uu ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah  Xasan Cabdicasiis Xasan iyo Maxamed Ibraahim Nuur oo loo yaqaano Macalimuu ahna Xukuumadda Federaalka, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray Xasan.

Ergada doorashada ayaa Maxamed Ibraahim Macalimuu ugu coddeeysay qaab gacan taag ah, isla markaana waxaa uu helay 92 Cod oo ah dhammaan codadkii kalsoonida ku siiyeen Macalimuu oo ku soo baxay doorashada kursiga.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa sheegay in kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay Hop#068 uu kusoo guuleystay Afhayeenka Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Exit mobile version