HORUFADHI MEDIA |

Maamulka Hirshabeelle oo shaaciyay qabashada Doorashada saddex kursi

Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada saddex kursi oo kamid ah ku harsan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay inuu Guddiga qabanayo doorashada saddex kursi oo tirsigoodu kala yihiin #HOP106 #HOP024 iyo #HOP140, iyagoona Guddiga soo saaray Jadwalka doorashada kuraasta.

Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay in doorashada kuraastan la qaban doono 9-ka bishaan, isla markaana doorashada ay ka dhaceyso Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Exit mobile version