Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maamul Goboleed gacanta ku dhigay Rag fuliyay dilal qorsheysan oo loo geystay…

Howlgal socday muddo 8 bari ah ayaa  lagu soo gaban gabeeyey degaanka dhagtuur ee koofurta gobolka mudug, ka dib markii gacanta lagu dhigay 7 ruux oo ah dambiilayaashii ka dambeeyey dilalkii ka dhacay degaanka dhagtuur iyo degaanada hoos yimaadda  kuwaas oo ciidamada amniga ay baadi goobayeen maalmihii la soo dhaafay.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu soo qabtay qaar ka mida ah walidiinta  dambiilayaasha la raadinayo, ka gadaal markii ay ka baxsadeen degaanada howlgalku ka socday.

Waxaa howlgalkaan hoggaaminayay Senatoro iyo gudoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiisha ciidanka ilaalada Madaxtooyada.

Dadka loo qabtay dilalkii ka dhacay degaanka dhagtuur ayaa loo taxaabay xabsiga caasimada galmudug ee dhuusamareeb, halkaas oo la doonayo in lagu maxkamadeeyo.

Howlgalkaan la fuliyey ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Galmudug taliyaha ciidanka madaxtooyada, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga,  iyo ciidamada booliiska oo kashanaya odayaasha dhaqanka, waxaana kaalin weyn ka qaatay maamulka gobolka mudug, kan degmada baxdo ee gobolka Galgaduud.

Exit mobile version