Site icon HORUFADHI MEDIA |

Kulankii dhexmaray MW Deni iyo Diyaano oo Natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Wada-hadalladii Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari uga socday Madaxweynaha Puntland iyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF ayaa fashil ku soo dhammaaday, sida ay  xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni uu dalbaday in marka hore uu Diyaano aqbalo xilka qaadistii lagu sameeyey, kadibna laga wada-hadalo khilaafka taagan ee ka dhashay xilka qaadistii ku sameeyay Agaasime Diyaano.

Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa dhankiisa ka biyo diiday dalabka Saciid Deni, wuxuuna ku adkeystay in marka hore la dhaqan-geliyo qodobadii ay soo saareen Isimada Puntland.

Wada-hadallada ayaa haatan lagu ballamay in markale la’isugu yimaado, si loo sii amba qaado kulamada u dhexeeya labada dhinac ee xalka loogu raadinayo xiisadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Si kastaba waxaa dhowr jeer fashilmay isku dayo lagu doonayey in lagu xaliyo khilaafka ka dhashay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF, iyadoona arrintaas ay sababta dagaal khasaaro badan dhaliyey.

Exit mobile version