Site icon HORUFADHI MEDIA |

Kulan looga hadlay Amniga oo Muqdisho ka dhacay & RW Xamse oo…

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka, shuruucda horutebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka ee  saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab iyo qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.

Shirka ayaa  lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee WAANO, taas oo hoos tageysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Al-Shabaab ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, iyada oo la diyaarinayo shuruucdii hageysay  amniga.

Si kastaba, howlgaladii ay dowladda Federaalka kula dagaalameysay Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay hakad galay, iyadoona ay xusid mudan tahay in dowladda ay ku dhawaaqday inay bilaabeyso wejiga labaad ee howlgalkii lagu dagaalamayay Shabaab.

Exit mobile version