Site icon HORUFADHI MEDIA |

Kulan looga hadlaayay Amnig Magaalada Muqdisho oo ka qabsoomay caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan amni oo ka dhacay Xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wada-shaqeynta Maamulada Degmooyinka, Hey’addaha Amniga iyo Bulshada Caasimada.

Kulanka ayaa warbixinno ku saabsan amniga caasimadda iyo Dagaalka ka dhanka ah AS ee Bulshada Caasimada looga dhageystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga, iyadoona uu Ra’iisul Wasaare Xamse ku adkeeyey in laga feejignaado falal amni darro, maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugida, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Saraakiisha Qeybaha, Ururka Haweenka, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal ka tirsan labada Xafiis.

Exit mobile version