Site icon HORUFADHI MEDIA |

Kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo hal sabab u baaqday

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu  waday inay kulan ku yeeshaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xaruntooda Villa Hargeysa, hayeeshee waa uu baaqday kulankaas.

Sababta uu u baaqday kulanka ayuu Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha  Shacabka Cabdullaahi Cumar (Abshirow) ku sheegay inuu yahay kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen tirada Xildhibaanada loo baahnaa inuu kulanka ku furmo.

Ajendaha Kulanka maanta ayaa ahaa codeynta Hindise-sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaasi oo Akhrintii saddexaad maraya iyo sidoo kale akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Socdaalka.

Dhowr jeer ayey sidaan oo kale u baaqdeen kulamo ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoona Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe Xildhibaanada uga digay soo xaadiri la’aanta kulamada.

Si kastaba ha’ahaateen Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa hore u sheegay in guddoonkan uu qaab sharci darro ah ku meel-mariyay sharciyo, taasi oo keentay in sharciyadii u dambeeyay ee la horgeeyay golaha ay qaataan waqti dheeraad ah.

Exit mobile version