Site icon HORUFADHI MEDIA |

Koox hubeysan oo Caawa dil ka geysatay Magaalada Laascaanood

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo Caawa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dilay Nin kamid ahaa Waxgaradka Magaalada oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag hubeysan ay dileen Ninka, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha ee Caawa, isagoona u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Kooxdii weerarka fulisay oo aan haybtooda aqoonsan ayaa goobta isaga baxsaday islamarkaana waxaa halkaas gaaray askar ka tirsan Booliska Somaliland, kuwaasi oo sameeyay howlgalo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo lagu baadi goobayay kooxihii falka geystay.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay falalka amni darro oo ay heysanayaa dabley hubeysan, Somaliland oo kal hore magaaladaas kasoo masaafurisay boqolaal dad ah oo ku eedeeyeen inay fuliyaan dilalka oo ka dhaca magaalada.

Exit mobile version