Saqdii Dhexe ee xalay oo talaado ahayd ayaa waxay 8 Gaadiidka Xamuulka oo waday Shixnad Gargaar Aadminimo ka ruqaansadeen Macbarka Rafax ee Masar, iyagoo ku wajahan Deegaanada Marinka Qasa ee Falastiin.
Afhayeen u hadlay Ururka Bisha Cas Falastiin ayaa sheegay inay Gaadiidka Xamuulka oo ku rarnaa Shixnado Gargaar Aadminimo oo ka kooban Cunto, Biyo iyo Daawooyin ay xilli dambe oo xalay ahayd u soo gudbeen Marinka Qasa.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in ay Kolonyadaasi yihiin qeybtii Afaraad ee Shixnadaha Gargaarka Degdega ee soo gaara Deegaanada Marinka Qasa ee Falastiin tan iyo markii uu Dagaalka ka dhex qarxay Ururka XAMAAS iyo Milliteriga Yuhuuda bishan October 7-dii.