Site icon HORUFADHI MEDIA |

Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta furmaya

Waxaa Maanta oo talaado ah lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo labadii bil ee lasoo dhaafay ay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka fasax ku maqnaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida uu qorshahu yahay furi doona kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka, isla markaana waxaa uu ka jeedin doonaa khudbad uu uga hadlayo arrimo kala duwan.

Guddiyada joogtada ee labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa maalintii shalay aheyd kulan gaar ah ka yeeshay furitaanka kal-fadhiga 2-aad iyo ajendayaasha horyaalla oo ah kuwo aad u farabadan oo Xildhibaanada laga doonayo inay kulamo ka yeeshaan.

Guddoomiyeyaasha labada Aqa lee Sheekh Aadan Maxamuud Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hoorsii horreeysay Xildhibaanada fasaxa ku maqan ee dalka dibaddiisa jira ka dalbaday inay soo laabtaan, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Exit mobile version