HORUFADHI MEDIA |

K/Galbeed oo shaacisay xiliga ay soo gaba-gabneyso Doorashada Golaha Shacabka

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta taala Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Doorashada 7 kursi ayaa la qabanaya Maalinta Talaadada ah oo ay taariikhdu ay ku beegan tahay 14 Maarso.

Koofur Galbeed ayaa soo gabagabeyneysa 15 bishan kuraastii u dambeysay ee deegaan doorashada Baydhabo, todobada kursi ee Baydhabo ayaa ku jira kursiga #HOP172 oo uu horay ugu fadhiyay Madaxweyne Lafta-gareen.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen ayaa noqon doona mamulkii ugu horreeyay ee soo gaba-gabeeya doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Exit mobile version