HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO: Jubbaland oo soo Bandhigtay Ciidankii ugu badnaa ee loo diyaariyey Dagaalka AS

DCIM101MEDIADJI_0582.JPG

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ciidamada Qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa waxaa wehelinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha  Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubaland u joogay Maalmahan sidii Dowlada Federaalka iyo Jubaland ay u bilaabi lahayeen howlgalo midaysan oo ka dhan ah Al-shabaab.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka isla markana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marka deegaanada la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida sidoo kalana la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay usoo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in argagixisada lagu jabiyay dagaalka kasocda gobolada dalka isla markaan la is raacin doono lagana xoraynayo deegaanada Jubaland oo ah halka howlgalka xoogiisa uu ka bilaaban doono isagoo uga digay dadka shacabka ah inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah ee khawaariijtu ay faafinayso.

 

 

Exit mobile version