Site icon HORUFADHI MEDIA |

Joe Biden oo kulan Wadareed la yeelan doona Madax Carbeed

Sida qorshuhu yahay, Madaxweyne Joe Biden waxa uu maalinta Arbacada ee berrito  Socdaalkiisa Labaad ku tegi doonaa Israel,  si RW Benjamin Netanyahu ugu muujiyo Garab Istaag Dagaalka ay Milliteriga Israel kula jiraan Ururka XAMAAS ee Reer Falastiin.

Ilo Dibloomaasi ayaa sheegay inuu Madaxweyne Joe Biden u sii gudbi doono Caasimadda dalka Boqortooyada Haashimiyada Urdun ee Amman, halkaasi oo uu kula kulmi doono Boqorka dalkaasi, Cabdalla Al-Thani, Madaxweynaha Masar, C/Fataax Elsisi iyo Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim.

Booqashada Biden waxay ku soo beegantay, xilli ay xaallada Bariga Dhexe aad u kacsan tahay, isla markaana ay dadka Reer Falastiin ee ku nool magaalladda Qasa Dhibanayaal u noqdeen Israel oo ku hayso Duqeymo, Cunaqabatayn iyo Barakicin Baahsan.

Dhanka kale, haddii aan Xal Siyaasadeed loo helin Qalalaasaha Falastiin waxay horseedi kartaa inuu Dagaalka israel iyo XAMAAS ku sii faafo jihooyin kale, kuna soo biiraan Xoogaga Gobalka ee hamuunka u qaba Dagaal waqti dheer socda ee ay la galaan Israel.

Si kastaba, Socdaalka Madaxweyne Joe Biden waxa uu imtixaan Siyaasadeed ku noqon karaa sida uu Maamulkiisa ugu guuleysto Kalsoonida Madaxda dalalka Carbeed ee ka soo horjeeda Siyaasadda halka dhinac ee Maraykanka iyo sidii uu Madaxda Israel ugu qancin lahaa Joojinta Duqeymaha iyo Barakicinta dadka Falastiin ee laga qaxinayo Guud ahaan Deegaanada Marinka Qasa.

Exit mobile version