Site icon HORUFADHI MEDIA |

Jeneraal Odawaa oo Dowladda Qatar kala hadlay taageerada Ciidamada Xoogga

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Safiirka Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Xasan Xamza Assad.

Kulanka ayaa labada Mas’uul ee Safiirka Qatar iyo Taliye Odawaa Yuusuf uga hadleen xoojinta iyo dardar-gelinta taageerada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diirada lagu saaray xoojinta iyo tayeynta Ciidanka xoogga dalka.

Taliye Odawaa ayaa safiirka la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in la dhiso awood ciidan oo tayo leh si buuxdana ula wareega sugida amniga guud ee dalka Soomaaliya.

Safiirka Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Xasan Xamza Assad ayaa kulanka ka sheegay inay dardar-gelin doonaan taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay inay sii socoto wadashaqeynta labada dhinac.

Exit mobile version