Guddiga loo xil-saaray qabashada doorashada Guddoomiyaha doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saaray Jadwalka doorashada, iyagoona shaaciyey xilliga ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga iyo ku-xigeenkiisa.
Qoraal ay soo saareen Guddiga qaban-qaabada doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenkiisa uu kamid yahay Guddigooda, waxaana doorashada la qabanayaa 15-ka bishaan Janaayo.
Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Guddiga laga rabo inuu bixiyo lacagta diiwaan-gelinta oo dhan 3 kun oo dollar, halka Musharaxiinta Guddoomiye ku-xigeenka la doonayo inay bixiyaan 2 kun oo dollar.