HORUFADHI MEDIA |

Jadwalka diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraas ka tirsan Somaliland oo lasoo saaray

Guddiga maamulka doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee ay horey u shaaciyeen Guddiga.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa caddeeyay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta Golaha Shacabka ee 6-da kursi ay hore u soo saareen ay bilaabaneyso 20-ka November oo Maanta oo sabti ah ku beegan .

Guddiga doorashada ayaa sidoo kalena sheegay in diiwaan-gelinta iyo xaqiijinta shuruudaha Musharaxiinta ay ku egtahay 22-ka bishaan November ee 2021, waxaana Guddiga ay fareen Musharaxiinta inay diyaar garoow sameeyaan.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ay shaaciyeen kuraasta Golaha Shacabka ee tirsigoodu kala yihiin HOP233, HOP208, HOP210, HOP202, HOP225 iyo HOP272.

Exit mobile version