Shan kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland, ayaa go’aanno ka soo saaray xallinta xiisada ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.
Qoraal ka kooban lix Qodob, oo ka soo baxay Isimada ayaa lagu go’aamiyay in Jeneraal Maxamuud Cismaan uu sii ahaado Agaasimaha Ciidamada PSF, isla markaana dib looga laabto xilka qaadista uu sameeyay Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale Isimada ayaa soo jeediyay in gogol dib u heshiisiin ay u dhigaan Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Saraakiisha PSF iyo mas’uuliyiintii hoggaaminayay ciidankii ku dagaalamay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Puntland ayaan weli ka hadlay Go’aanka kasoo baxay Isimada oo ay kusoo jeediyeen in gogol dib u heshiisiin ay u dhigaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Saraakiisha PSF iyo mas’uuliyiintii hoggaaminayay Ciidankii ku dagaalamay Magaalada Boosaaso.