Site icon HORUFADHI MEDIA |

Isimada Dhaqanka SSC oo War kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay Garoowe

Isimada Dhaqanka SSC ayaa shaaca ka qaaday inay u istaageen xal u helista xiisada siyaasadeeed ee ka taagan Puntland ee u dhexeeysa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Maamulka.

Garaad Jaamac Garaad Ismaacil oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Garoowe ayaa waxa  uu sheegay inay la kulmeen dhinacyada isku haaya siyaasadda Puntland, isla markaana xal hordhac ah laga gaaray shaqaaqadii habeen hore ka dhacday Garoowe.

Garaadka ayaa tilmaamay inay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ugu tageen Magaalada Qardho ayna meel wax isla dhigeen, isagoo intaas kusii daray in wax kasta oo khilaaf ah oo jira ay iyaguna xalin doonaan.

Wuxuu sheegay in ay la wareegeen Isimada dhaqanka Gobolada SSC xal ka gaarista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Garoowe, isla markaana ay ku guuleysteen, balse wixii wada-hadallo kale ah dib la isugu soo laaban doono doorashada.

Hadalkan kasoo yeeray Garaad Jaamac Garaad Ismaacil oo kamid ah Dhaqanka Gobolada SSC ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Xeer Ilaaliyaha Puntland uu shaaciyay Magacyada siyaasiyiin lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen shaqaaqada oo loo jaray waaran lagu soo xirayo.

Exit mobile version