Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ingiriiska oo caddeeyay mowqifka uu ka taagan yahay Aqoonsiga Somaliland

Ingiriiska ayaa caddeeyay mowqifka uu ka taagan tahay aqoonsiga Somaliland, xilli Baarlamaanka dalkaas uu xalay yeeshay dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalkaas Victoria Grace Ford ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xiriira aqoonsiga Somaliland.

“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaaran mustaqbalkooda” ayay ku tiri qoraalkeeda Victoria Grace Ford.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK ayaa tilmaamtay inay sii wadi doonaan in arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa xalay dood dheer ka yeeshay aqoonsiga Somaliland, waxaana Mooshinkaas Baarlamaanka horgeeyay Gavin Williamson, wuxuuna Baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey amniga Somaliland.

Exit mobile version