Site icon HORUFADHI MEDIA |

In ka badan 15 Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu xiray Magaalada….

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 16 ka mid ah shaqaalaheeda lagu xiray caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in lix kale la soo daayay. Waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay waydiisteen in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan shaqaalahaasi.

Xarigga howlwadeennadaas ayaa imanaya xilli fallaagada Tigray ay usoo ruqaansanayaan dhanka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Dhanka kale dowladda Britain ayaa muwaaddiniinteeda kula talisay inay isaga baxaan waddanka Itoobiya.

Sidoo kalana waxa ay ku baaqday in xabbadda la joojiyo, dhinacyada dagaalka ku lugta lehna ay ogolaadaan in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

Exit mobile version