Site icon HORUFADHI MEDIA |

Howlgal qorsheysan oo lagu qabtay xubno looga shakisan yahay Al-shabaab oo…

Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa habeenadii xalay aheyd waxaa ay howlgalo socday saacado ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay kusoo qab-qabteen dad u dhallinyaro ah oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishka iyo Qamri oo si dhuumaaleysi ah loo geliyay Baladweyne.

Sidoo kale Ciidanka ayaa howlgalka ku qabtay rag looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, sida ay sheegeen Saraakiisha hoggaaminayey howlgalkaas la sameeyay, waxaana ragga ku socda baaritaano kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Booliska Hirshabeelle oo ku sugan Baladweyne ayaa sheegay in ujeedka howlgalka laga fuliyey Magaalada uu yahay mid lagu xaqiijinayey ammaanka, isla markaana looga hortegayo falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca,.

Exit mobile version