Site icon HORUFADHI MEDIA |

Hooyo & Cunug yar oo 150 saacadood ku xanibnaa Burburka Dhismo oo lasoo saaray

Kooxaha Gurmadka waxay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan Hooyo iyo Cunugeeda yar, kuwaasi oo ku hoos xanibnaa burburka Dhismo ku yaalla magaalada Antakya ee Gobalka Hatay  ee Koonfurta dalka Turkiga.

Muddo 150 saacadood ayey ku xanibnaayeen burburka, kadib, Dhul-gariirkii isbuucii hore ka dhacay dalkaasi.

Wakaallada WararkaTürkiye ee AA ayaa sheegtay in Hooyada iyo Wiilkeeda yar la soo badbaadiyey subaxnimadii shalay oo Axad ahayd, kadib, markii Qeylo-dhaan laga maqlay burburka dhismaha hoostiisa.

Kooxaha Gurmadka,  Dab-damiska,  Ambalaasta oo kaashanayo Ciidanka Ammaanka ayaa si degdeg ugu gurmaday, soona samata-bixiyey Hooyada iyo Wiilkeeda yar, iyagoo u gudbiyey Isbitaalka.

Dhanka kale, Shaqaalaha Gurmadka oo ka kala socday dalalka Raaahiya, Belarus iyo Kyrgyzstan ( Khirakhistan) ee qeybta ka ah Hawlgallada Samata-bixinta waxay soo badbaadiyeen Nin muddo 160 saacadood ku hoos xanibnaa Dhismo ku burburay Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Exit mobile version