Site icon HORUFADHI MEDIA |

Hirshabeelle oo shaacisay Liiska kuraasta ugu horreeysa ee lagu dooranayo B/weyne

Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada 13 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddiga doorashada Hirshabeelle oo Qoraal soo saaray ayaa lagu soo bandhigay Liiska kuraasta Golaha Shacabka ee 13-ka kursi ah, isla markaana doorashadooda la qaban doono maalmaha soo socda, kana dhici doonto Magaalada Baladweyne.

Kuraasta lasii daayay ayaa waxaa ku jira kursiga tirsigiisu yahay #HOP086 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana Musharaxiinta haatan dooneysa kuraasi ku jiro Fahad Yaasiin oo ah Taliyaha amniga Qaranka.

Hirshabeelle ayaa noqotay markii labaad ee bilaabaya deegaan doorashada labaad ee horey loo qorsheeyay, waxaana horey u bilaabay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Magaalada Baraawe ku qabtay doorashada 13 kursi.

Exit mobile version