Site icon HORUFADHI MEDIA |

Heshiis hordhac ah oo laga gaaray Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Sh/Dhexe

Heshiis hordhac ah ayaa laga gaaray dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee toddobaadkii hore ka dhacay deegaanno hoos taga degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle/

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Odayaal kale oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Shabeelle oo wadahadallada qeyb ka ah ayaa sheegay in labada beelood ay ku heshiiyeen in xabadda la joojiyo, isla markaana ciidammada la kala qaado.

Afar goobood ayaa loo cayimay in la kala geeyo maleeshiyaadkii qabaa’ilka ee dagaallamay, kuwaas oo kala ah; Boos Muluq, Gayfo, Ceel Xarar iyo Bursho Sheekh oo dhammaantood hoos yimaada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele.

Dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Raaga-ceelle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 20 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Exit mobile version