Site icon HORUFADHI MEDIA |

Haweeney Soomaali oo Dil argagax leh u geysatay Wiil ay dhashay iyo Arrin Naxdin leh

Hooyo Soomaaliyeed oo kunool magaaladda St, Cloud gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa loo heestaa in dil argagax leh u geesatay wiil yar oo ay dhashay kadibna ku tuurtay haanta qashinka lagu shubo.

Ciidamada booliska  magaaladda St, Cloud ayaa xabsiga dhigay Fardowso Cabdullaahi oo 26-sabo jir ah, waxaana booliiska hooyadan ku eedeeyeen in cunug yar ay dhashay ku dishay toorey kadibna qashin ku riday.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in Fardowso Cabdullaahi lagu soo oogay dil darajadda labaad ah oo la xiriira dilka ay u guysatay wiilka yar ee ay iyaddu dhashay, waxa ayna booliiska sheegeen in ay baarayaan waxa dilka sababay.

Dilkan argagaxa leh waxaa si weyn uga naxay Soomaalida kunool gobolka Minnesota, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in hooyadan Soomaaliyeed sababta ay u dishay wiilkeeda uu yahay in uu ku inkiray ninkii cunuga ka dhalay.

Hooyadan Soomaaliyeed ee hada xabsiga ugu jirta dilka wiilka yar ay dhashay ayaa laga yaabaa in ay wajahdo xukun adag oo xabsi ah hadii lagu helo dambiga dilka ah ee loo heesto

Exit mobile version