Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guri ku yaal Muqdisho oo soo dumay & Khasaaro ka dhashay + MUUQAAL

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay guri  qadiimi ah oo ku yaallay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho oo kusoo dumay dadkii deganaa, kaasi oo wax yar kahor aadka hore ee salaadii subax mar qura soo dumay.

Guriga dumay oo xeebta saaran ayaa ahaa dhismo qadiimi ah, isla markaana waxaa uu kusoo kor dumay dad deganaa guriga, waxaana goobta ku geeriyooday Illaa iyo afar carruur ah oo hal qoys ka koobnaa, oo xilliga uu guriga soo dumayay hurdaayay.

Dadka deegaanka xaafadda ayaa markii ay maqleen dhawaqa dhismaha dumay durbadii bilaabay inay dadkii deganaa guriga oo qoysas danyar ah soo badbaadiyaan, iyagoona dhismaha hoostiisa kasoo saaray dad qaba dhaawacyo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Dumista gurigani waxa sababay isaga oo ahaa mid waqti hore la dhisay, isla markaana aan helin dacaytir joogta ah iyo saamayn xoogan oo ay ku yeesheen roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ayay Magaalada Muqdisho.

 

Exit mobile version