Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddoomiye Sacdiyo Samatar oo Maanta loo diiday inay u safarto Garoowe

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar, ayaa maanta loo diiday inay safar ugu ambabaxdo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Guddoomiye Sacdiyo Samatar iyo wafdi la socday ayaa barqadii laga reebay diyaarad ay la socdeen oo ka duuli laheyd Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeday magaalada Garoowe, sida xogta aan ku helnay.

Sacdiya ayaa lagu waday inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab, oo ah suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri xafladdiisa caleema saarka ay ka dhacdo magaalada Garoowe.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa waxaa socdaalka ku wehlin lahaa Wasiiro, Xildhibaano, iyo madax dhaqameedyo, kuwaasi oo isaga tagay markii dambe Garoonka iyaga oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Sanadkii hore ayay ahayd markii diyaarad siday Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka lagu qasbay iney dib ugu noqoto Muqdisho, xilli ay dooneysay inay ka dagto Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ee Garoowe.

Exit mobile version