HORUFADHI MEDIA |

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashada Somaliland oo War Cusub soo saaray

Guddiga maamulka doorashada ee Somaliland ayaa xiligan u muuqda kuwa labo garab mar kale kala noqday, waxaana soo baxaya khilaaf xoogan oo ka taagan qaabka loo maamulayo doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ku matalaya Gobolada Waqooyi.

Xubno katirsan guddiga doorashada ee Somaliland gaar ahaan xubnihii uu soo qoray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa taageeray qoraal uu soo saaray oo lagu hakiyay doorashada 16-kursi uu muran hareeyay.

Qoraal kasoo baxay xubnaha taageersan Cabdi Xaashi ee ku jira guddiga doorashada Somaliland ayaa sheegay in ay taageersan yihiin qoraalka uu soo saaray Cabdi Xaashi, waxaana xubnaha ku qornaa warqada ku jiray C/Shakuur Abiib .

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Doorashada Somaliland C/Shakuur Abiib Hayir ayaa qoraal uu goordhaw soo saaray ku sheegay in uusan ku jirin xubnaha ku saxiixan warqada lagana been abuurtay, waxa uuna cadeeyay in shaqsiyan uusan aheyn aheyn Guddoomiye kuxigeen koox uuna diyaar u yahay qabashada howshada loo igmaday.

Exit mobile version