Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ATMIS kala hadlay sugida amniga goobta Shirweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobr ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo, wufuuda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS,  isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeytan amniga.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxaana shirka lagu xalin doonaa khilaafka ka taagan doorashada Madaxweynaha ee Maamulkaas.

Exit mobile version