Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta gaaray Xudur

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa gaaray degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool, iyagoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa garoonka diyaaradaha Xudur ayaa waxaa wafdiga Guddoomiyaha kusoo Soo dhoweeyey Maamulka gobolka Bakool, kn degmada Xudur, Saraakiil ciidan Iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Xudur ku nool.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xudur ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Maamulka degmada, isla markaana waxaa uu jeedkiisa yahay bilaabida howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Ujeedka Guddoomiye Aadan Madoobe ee Xudur ayaa waxaa uu yahay sida la tilmaamay u kuurgelida xaaladda guud ee degmada iyo la kulanka Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan halkaas.

Safarka uu Guddoomiye Aadan Madoobe ku gaaray Maanta ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada uu Guddoomiyaha ka shaqeynayo sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Exit mobile version