Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo ka horyimid tallaabo uu qaaday Wasiir Karoore

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaciyay in uusan waxba kala socon Go’aanka uu Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guurre uu Guddoomiye cusub ugu magacaabay degmada Halgan, xilkana uga qaaday Guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa uu sheegay in xilka qaadista iyo magacaabista uu sameeyay Wasiir Cabdi Daahir Guurre aysan ku imaan soo jeedintiisa, isla markaana uu xusay in uusan waxba ka ogeyn tallaabada Wasiirka uu qaaday.

“Anigoo wajibaadkeeyga shaqo ee dastuuriga ah Gudanayo waxaan beeninayaa inaan waxbo kala socon sidoo kalane aan soo-jeedin ka sameeyn Xilka qaadista iyo magacaabista uu sameeyey wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle Cabdi Daahir Guure (karoore) ee Maamulka D/Halgan ee Gobalka Hiiraan” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiye Cali Jeyte “Sidaas daraadeed  waxaan cadeeynayaa xilka ka qaadista iyo magacaabista uu sameeyey wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle maha mid ku timid soo jeedin aan sameeyey mana ah mid aan ogahay  Mana aha mid aan la socday”.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in dadka Gobolkaas ay dagaal kula jiraan Al-shabaab, isla markaana aysan jirin  sabab loogu mashquuli karno wax badalid iyo magacaabis.

Exit mobile version